Xilli uu sii idlaanayo waqtiga u haray dowladda Federaalka Somaaliya ayay 'Beesha Caalamka' waxay ku mashquulsantahay diyaarinta ciddii bedeli laheyd Xasan Gurguurte iyo golihiisa wasiirrada.

Reer galbeedka iyo xulufadeediisa ayaa goor hore sii diyaariyay siyaasiyiin diin laawayaal ah in ay madax ka noqdaan xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono bisha September 2016.
Intabadan DF-ka waxaa madax ka noqda qurba joog dibadaha lagusoo anshax xumeeyay kuwaasi oo lacago malaayiin dollar ah ka sameeya xilalka loo dhiibay islamarkaana dowladaha shisheeye u saxiixa heshiisyo lagu boobayo kheyraadka dalka tusaale ahaan heshiiskii badda looga iibiyay Kenya ee uu saxiixay C/Raxmaan Cabdi Shakuur.

Malaayiin kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa la amakaagay hadallo kasoo yeeray siyaasiyiin dowladda Mareykan ay u diyaarinayso in ay xilal ka qabtaan Soomaaliya.