Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxa maalintii shalay lagu aasay qofkii ugu horeeyey ee Xannuunka Covid-19 ugu geeriyooday Somaliland.<br /><br />Marxuumka geeriyooday ayaa ka mid ahaa dad looga shakiyey xannuunka Covid-19 oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland baadhitaan dheecaankooda u dirtay dalka dibaddiisa.
